Siyaasadda Badbaadada Dabka

Si loo ilaaliyo badbaadada shaqaalaha iyo booqdayaasha shirkadda ka hortagga khatarta dabka, QC Renewable Energy waxa ay dejisay qorshe looga hortagayo dabka si loo yareeyo halista dhaawacyada, dhimashada iyo khasaaraha hantida. Qorshahani wuxuu diiradda saarayaa aqoonsiga iyo xakameynta khataraha dabka.

Mas’uuliyiinta Muhiimka ah ee Fulinta Siyaasadda Dabka

• Agaasimaha Guud / Maareeyaha Mashruuca: Mas’uul ka ah dejinta iyo hirgelinta habraacyada kahortagga dabka; diyaarinta qorshaha degdegga ah ee dabka iyo habraacyada daadgureynta; ilaalinta, tijaabinta iyo dayactirka nidaamyada digniinta dabka; hubinta in qalabka dab-damiska sida foostooyinka dab-damiska, tuubooyinka biyo-dabka, marada dab-demiska iyo albaabbada gaar ah ee kahortagga dabka (haddii ay suuragal tahay) la helo; iyo tababarka shaqaalaha si ay si habboon ugu adeegsadaan qalabkaas iyo u raacaan wadooyinka daadgureynta.

Waaxda HSE (Caafimaadka, Badbaadada & Deegaanka): Mas’uul ka ah dabagalka isticmaalka walxaha guban kara iyo shaqooyinka kuleylka leh; bixinta tababarro ku saabsan kaydinta, adeegsiga iyo maaraynta walxaha guban kara; xaqiijinta in meelaha kaydka ah nadiif yihiin, si habboon loo ilaaliyo, lana waafajinayo heerarka badbaadada; qabanqaabinta kulamada wacyigelinta ee badbaadada dabka; fududeynta tababarrada la xiriira wax ka qabashada dabka; iyo xaqiijinta waafaqsanaanta shuruucda qaran sida kormeerka sanadlaha ah ee badbaadada dabka.

Shaqaalaha: Mas’uul ka ah raacista habraacyada shirkadda ee daadgureynta, maaraynta iyo kaydinta walxaha guban kara, ilaalinta badbaadada marka ay jiraan shaqooyin kuleyl leh, iyo in si degdeg ah loo soo sheego dhacdo kasta oo la xiriirta dabka, ha ahaato shil, halis ama dhawaqis (near miss).

Noocyada Dabka iyo Qalabka Ku Habboon:

  • Fasalka A: Walxaha adag sida alwaax, dhar, warqad Dabka lagu damiyo: Biyo (CASAAN), Xumbo (CREAM)
  • Fasalka B: Dareeraha iyo gaasaska guban kara Dabka lagu damiyo: Budada qalalan (BULUUG)
  • Fasalka C: Dabka korontada Dabka lagu damiyo: Budada qalalan (BULUUG), CO2 (MADOOW)
  • Fasalka D: Biraha alkaaliga ah ee guban kara sida Li, Na, K Dabka lagu damiyo: Budada qalalan (BULUUG)
  • Fasalka K/F: Dufanka xoolaha iyo saliidaha karinta Dabka lagu damiyo: Kiimiko qoyan (HURUD)

 

Ogeysiis Muhiim ah: Tuubada biyaha dab-damiska waxaa loogu talagalay oo kaliya dabka nooca A ah (sida alwaax, dhar, caag iwm), maadaama ay tahay biyo ku jira. Qorshaha daadgureynta (evacuation plan) waxa lagu soo bandhigi doonaa dukumeenti kale oo gaar ah.

Making renewable energy accessible for all.

Stay tuned

© Copyright – QC Renewable Energy 2024