Gender-Based Violence Policy
1.1 Bayaanka Siyaasadda
QC Renewable Energy waxay ka go’an tahay inay bixiso jawi shaqo oo ka caagan nooc kasta oo dhibaateyn ah, oo ay ku jirto dhibaateynta jinsiga. Dhibaateynta jinsiga waxaa mamnuucaya shuruucda shaqada ee gudaha iyo kuwa caalamiga ah, waxayna ka soo horjeeddaa qiyamka QC Renewable Energy.
QC Renewable Energy waxay dabaqaysaa siyaasad aan loo dulqaadan karin oo ka dhan ah fal kasta oo af ama gacan ah oo uu sameeyo shaqaale kasta, gudaha ama dibadda shirkadda, kaas oo ku dhibaateeya shaqaale kale,carqaladeeya waxqabadkooda shaqo, abuura deegaan cabsi leh, aflagaaddo leh, ama naceyb leh,ama cabsi geliya dhinacyada saddexaad ee shirkaddu la macaamisho.
Looma dulqaadan doono wax dhaqanka galmo ee aan habboonayn. Shaqaale kasta waxaa loola dhaqmi doonaa si sharaf iyo karaamo leh iyadoon loo eegin jagadiisa ama darajadiisa shirkadda.
QC Renewable Energy sidoo kale ma oggolaan doonto dhaqan ka yimaada dadka aan shaqaalaha ahayn ee goobta shaqada kaas oo ku keeni kara shaqaalaha cabsi ama dhibaateyn af ama gacanba leh.Shaqaalaha QC Renewable Energy waxaa laga filayaa inay fahmaan nuxurka siyaasaddan oo ay si buuxda ugu hoggaansamaan.
1.2 Baaxadda Siyaasadda
Siyaasaddan waxay khuseysaa:
a) Dhamaan noocyada shaqaalaha oo ay ku jiraan maamulka, shaqaalaha heer caalami, goboleed, qaran, kuwa ku-meelgaarka ah iyo shaqaalaha mustaqbalka.
b) Dhamaan dhinacyada saddexaad ee la macaamila QC Renewable Energy oo ay ku jiraan,la-taliyeyaasha,alaab-qeybiyeyaasha,adeeg bixiyeyaasha,la-hawlgalayaasha,iyo cid kasta oo kale oo xiriir la leh shirkadda.Dhinacyada saddexaad waxaa waajib ku ah inay wakiilladooda, shaqaalahooda, wakiilladooda ama saraakiishooda siiyaan nuqul siyaasaddan.
Qeexidda
Dhibaateynta jinsiga waa dhaqan aan la aqbali karin oo aan la rabin oo ku saleysan galmo/jinsi kaas oo si cad u dhaawacaya karaamada qofka.
Dhibaateynta jinsiga waxay dhici kartaa qaabab kala duwan, oo ay ka mid yihiin:
a) Afka, Hadallo galmo sal leh,codsiyo galmo,kaftan ama aflagaaddo galmo,faallooyin muuqaal ah oo jirka qofka ku saabsan,ama su’aalo ku saabsan nolol galmo oo qofka ah.
b) Aan Af ahayn: Dhaqanno ama calaamado aan habboonayn,eegmo joogto ah oo jirka qofka ah,soo bandhigid sawirro ama agab galmo ah,faafinta waxyaabo galmo ah oo aan habboonayn iyadoo la adeegsanayo warbaahinta elektaroonigga.
c) Jidheed: Taabasho aan la rabin oo isu beddesha xadgudub ama kufsi,qabasho,dhunkasho,qasbid galmo ama xiriir jidheed,in la baaro qof iyadoo sharci-darro ah, gaar ahaan haddii lagu sameeyo qof jinsi ka soo horjeeda.
d) Isticmaalka Awood ama Xil: Marka shaqaale uu saameyn ku yeesho shaqo, dallacsiin, mushahar, tababar ama ciqaab si uu u helo adeeg galmo.
e) Xulashada Galmada: Marka qof awood leh uu abaalmariyo kuwa aqbala dalabkiisa galmo halka kuwa diida laga hor istaago horumar.
f) Dhaqamada kale ee ka dhan ah qofka sabab la xiriirta jinsigiisa, qowmiyaddiisa, diintiisa, naafonimadiisa, uurkeeda, da’deeda ama nooca uu jecel yahay, sidoo kale waa mamnuuc.
1.3 Habraaca Cabashada Dhibaateynta
a) Mabaadi’da Hagaysa
Siyaasaddan waxaa lagu dhaqan geliyaa iyadoo la raacayo mabaadi’dan soo socota:
- Sirta (Confidentiality): Dhammaan baaritaannada, cabashooyinka iyo xogaha la xiriira arrimaha dhibaateynta jinsiga waa in lagu maareeyaa qarsoodi buuxda. Macluumaadka waxaa heli kara oo kaliya dadka loo magacaabay inay baaritaan sameeyaan. Aqoonsiga qofka dacwoodaha waxaa loo shaacin karaa eedeysanaha iyo markhaatiyaasha, balse dhammaan dhinacyada waa inay ilaaliyaan sirta. Dhammaan dhinacyada ku lug leh arrinta waxaa laga doonayaa inay saxiixaan heshiis qarsoodi ah (Non-Disclosure Agreement) ka hor inta aan la bilaabin habraaca cabashada.
- Ixtiraamka Wadajirka ah (Mutual Respect): Shaqaalaha QC Renewable Energy waxaa laga filayaa inay ilaaliyaan dhaqan ixtiraam leh goobta shaqada iyo intii lagu guda jiray habka dacwadda.
b) Habka Cabashada
Shaqaale kasta oo dareema inuu dhibaateyn ku wajahan yahay waxaa lagula talinayaa:
- Inuu si toos ah ugu sheego qofka falka sameeyay in ficilkoodu aanu la aqbali karin.
Haddii uusan sidaas sameynin, weli wuxuu xaq u leeyahay inuu gudbiyo cabasho rasmi ah.
Habka gudbinta cabashada:
- Waxaa lagu gudbin karaa afka ama qoraal ahaan.
- Waxaa lagu gudbin karaa:
- Maamulaha tooska ah, ama
- Maamulaha xiga, ama
- Shaqaale ka tirsan waaxda HR, ama
- Agaasimaha HR.
Cabashada waa inay ku jirtaa:
- Faahfaahinta dhacdada,
- Magacyada dadka ku lugta leh.
Shaqaalaha cabashada gudbiya lama ciqaabi karo, mana wajihi doonaan aargoosi.
c) Habraaca Baaritaanka Dhibaateynta
- Cabasho kasta waa in la baaro xitaa haddii dacwoodaha uu codsado in aan tallaabo laga qaadin.
- Xitaa haddii cabashada lagu gudbiyo si qarsoodi ah ama qofka dacwoodaha ahi uu rabbo inuu qarsoonaado, waa in la baaro.
- Baaritaanka waa in lagu dhammeeyaa ugu dambayn 30 maalmood gudahood (“Muddada Baaritaanka”) sababo dhowr ah awgood:
Si looga hortago in dhibaateyntu sii wado carqaladeynta shaqada.
Si aan caddaynta loo lumin oo markhaatiyadu aanay u illoobin faahfaahinta.
- Si loo yareeyo culayska iyo walbahaarka labada dhinac (dacwoodaha iyo eedeysanaha)
d) Guddiga Baaritaanka
- Maamulaha ama shaqaalaha cabashada qaata waa inuu si degdeg ah ugu gudbiyaa waaxda HR.
- HR waxay magacaabi doontaa Guddiga Baaritaanka oo ka kooban:
- Maamule ka baxsan waaxda dacwoodaha ama eedeysanaha,
- Wakiil HR,
- Wakiil sharciga ah (doorka kormeerka).
Haddii dacwoodaha ama eedeysanaha uu ka tirsan yahay HR, HR Director ayaa magacaabaya xubnaha guddiga ku habboon.
Waxaa lagu talinayaa in guddiga uu ka koobnaado xubno rag iyo dumarba ah si loo hubiyo dhexdhexaadnimo iyo ururinta caddayn sax ah.
Guddigu waa inuu leeyahay faham buuxa oo ku saabsan waxa loo aqoonsado dhibaateynta jinsiga sida ku cad siyaasadda shirkadda iyo sharciga.
e) Nidaamka Baaritaanka
Guddiga Baaritaanka waxaa looga baahan yahay inuu raaco nidaamkan:
- Warbixin Madax-bannaan: Dacwoodaha iyo eedeysanaha waxaa loo yeeri doonaa si gooni ah si ay uga bixiyaan
- faahfaahin buuxda oo ku saabsan cabashada. Nidaamkani wuxuu hubinayaa in labada dhinac si caddaalad ah loo dhageysto.
- Xaaladaha rabshadda jireed ama kufsiga: Haddii cabashada ku jirto rabshad jireed ama kufsi, labada dhinacba waxaa lagu wargelinayaa in arrintaas loo gudbin doono hay’adaha sharciga ee ku habboon isla markaana dacwad ciqaabeed la bilaabi karo.
- Wareysiga markhaatiyaasha: Waxaa la wareysan doonaa markhaatiyaal badan intii suuragal ah muddada baaritaanka.
- Diiwaangelinta jawaabaha: Jawaab kasta waxaa si rasmi ah loo diiwaangelinayaa waxaana saxiixaya qofka bixiyay xogta.
Ogow: dhammaan ka qaybgalayaasha baaritaanka waxaa laga doonayaa:
- Inay ilaaliyaan sirta,
- Inay la shaqeeyaan guddiga,
- Inaysan sameyn aargoosi ama cabsi gelin.
f) Natiijada Baaritaanka
- Marka baaritaanka la dhammeeyo, Guddiga Baaritaanka wuxuu diyaarin doonaa warbixin ay ku jiraan:
- Baaritaannada la sameeyay,
- Caddaymaha la helay,
- Talooyinka lagu xallinayo arrinta.
Warbixintan waxaa lagu gudbin doonaa Agaasimaha HR muddada Baaritaanka gudaheed.
- Haddii Agaasimaha HR uu ku raaco talooyinka guddiga, go’aanka waxaa lagu wargelin doonaa dhinacyada ku lugta leh 7 maalmood gudahood.
- Haddii Agaasimaha HR uusan ku raacin talooyinka guddiga, wuxuu qaban doonaa kulan ay ka qeyb galayaan:
- Agaasimaha HR,
- Guddiga Baaritaanka,
- Maareeyaha Guud.
Kulankan waxaa looga golleeyahay in xal kama dambeys ah lagu gaaro. Haddii xal la gaaro, HR Director wuxuu ogeysiin doonaa dhinacyada natiijada. Haddii aan xal laga gaarin, HR Director ayaa go’aan kama dambeys ah qaadanaya.
- Haddii aan caddayn ku filan loo helin dacwadda, guddiga wuxuu soo saarayaa warbixin caddeyneysa arrintaas, waxaana dacwoodaha loo sharxi doonaa sababta caddayntu u ahayd mid aan ku filneyn.
- Haddii caddayn ku filan la helo oo lagu xaqiijiyo cabashada, shirkaddu waxay tallaabo ku habboon ka qaadi doontaa eedeysanaha.
- Haddii caddayn ku filan la helo oo lagu xaqiijiyo cabashada, shirkaddu waxay tallaabo ku habboon ka qaadi doontaa eedeysanaha.
1.4 Cabashooyinka Been Abuurka ah
QC Renewable Energy ma oggolaan doonto wax cabashooyin been abuur ah ama aan sal lahayn oo ku saabsan dhibaateynta jinsiga oo laga sameeyo shaqaale kasta.
- Haddii qof lagu helo inuu si ula kac ah u sameeyay cabasho been abuur ah, arrintaas waxay noqonaysaa sabab sharci ah oo lagu qaadi karo tallaabo anshaxeed.
- Si kastaba ha ahaatee, cabasho kasta oo lagu gudbiyo si daacad ah, xitaa haddii aan la caddeyn karin, looma tixgelinayo mid been abuur ah ama aan sal lahayn.
1.5 Doorka iyo Mas’uuliyadda
a) Guddiga Sare ee QC Renewable Energy (Board)
- Dejinta siyaasado ballaaran oo ay ku jiraan tallaabooyin ka hortag iyo xal u helid dhibaateynta jinsiga, iyadoo lagu saleeyo siyaasadda eber-tanaasul ee shirkadda.
- Bixinta hogaamin iyo jihayn ku saabsan hirgelinta siyaasaddan.
b) Maamulka QC Renewable Energy
- Hubinta in la dhiso hannaan iyo nidaamyo ku filan oo lagu hirgaliyo siyaasaddan.
- Hubinta in dhammaan shaqaalaha hoos yimaada maamulka ay fahmaan siyaasaddan oo ay tababar ku helaan sidii looga hortagi lahaa dhibaateynta jinsiga.
- Qaadashada tallaabo ku habboon haddii dhibaateyn la soo sheego.
c) Waaxda Kheyraadka Aadanaha (HR)
Waaxda HR waxay mas’uul ka tahay abuurista deegaan shaqo oo ku habboon oo ka caagan dhibaateynta jinsiga. Waaxda HR waxaa sidoo kale looga baahan yahay:
- Inay shaqaalaha cusub iyo kuwa jira si joogto ah (ugu yaraan mar sannadkii) ugu wacyigeliso siyaasadda shirkadda ee eber-tanaasulka ah ee ka dhanka ah dhibaateynta jinsiga.
- Inay hubiso in dhammaan cabashooyinka la soo sheego lagu maareeyo si xirfad leh, qarsoodi ah, degdeg ah, oo hufan.
- Inay hubiso in dadka ku lugta leh dacwadda loola dhaqmo si sharaf iyo karaamo leh.
- Inay hubiso in la helo xal caddaalad ah oo loogu talagalay labada dhinac (dacwoodaha iyo eedeysanaha).
- Inay xaqiijiso in aan shaqaale kasta lagu ciqaabin ama aan laga aargoosan haddii uu soo sheego dhibaateyn.
- Inay dib u eegis joogto ah ku sameyso siyaasaddan si loo hubiyo in ay weli waxtar leedahay, loona cusboonaysiiyo haddii loo baahdo.
d) Guddiga Baaritaanka
Guddiga Baaritaanka waa guddi ku-meel-gaar ah oo loo sameeyo uun in lagu qaabbilo oo lagu maareeyo cabashooyinka ku saabsan dhibaateynta jinsiga ee lagu soo gudbiyo shirkadda.
Xubnaha guddigan waxaa laga doonayaa inay:
- Diiwaangeliyaan kiisaska dhibaateynta jinsiga ee loo soo gudbiyo, taas oo ay ku jiraan:
- Kiiska dacwoodaha,
- Kiiska eedeysanaha,
- Markhaatiyaasha iyo caddaymaha kale ee jira.
- Sameeyaan baaritaan degdeg ah oo dhexdhexaad ah oo ku saabsan eedeymaha lagu soo gudbiyo guddiga, isla markaana soo diyaariyaan warbixin ku saabsan natiijooyinka iyo talooyinka loogu gudbinayo HR.
- Raacaan jadwalka baaritaanka ee lagu qeexay siyaasaddan, si dacwadaha loogu xalliyo waqtigii loogu talagalay.
- Ilaaliyaan sirta kiisaska ee loo soo gudbiyo ilaa inta suuragalka ah ee xaaladda.
e) Shaqaalaha QC Renewable Energy
Shaqaalaha shirkaddu waxay leeyihiin mas’uuliyado dhowr ah oo ku saabsan siyaasaddan:
- Ka fogaanshaha dhammaan dhaqamada lagu tilmaami karo dhibaateynta jinsiga.
- Kor u qaadista dhaqan ixtiraam iyo wada shaqayn wanaagsan oo ka dhex jirta goobta shaqada.
- Ilaalinta sirta cabasho kasta ama baaritaan la xiriira dhibaateynta jinsiga oo ay ka warqabaan.
- La-tashiga iyo/ama soo sheega dhacdo kasta oo dhibaateyn ah qofka loo magacaabay inuu qaabilo cabashooyinka ku saabsan dhibaateynta jinsiga ee shirkadda.
Making renewable energy accessible for all.
Stay tuned
Site Links
© Copyright – QC Renewable Energy 2024